Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya ee maanta lagu dhawaaqay.
Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, kuna soo dhoweeyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre iyo qaar ka mida wasiiradiisa cusub isagoo dardaaran iyo baaq jeediyay.
Madaxweyne Farmaajo yaa soo dhaweeyay magacaabista xukuumadda cusub, wuxuuna Baarlamaanka cusub ka codsaday in ay ansixiyaan si ay shaqada looga fadhiyo u guda galaan.
Wuxuu intaas ku daray inay dalka ku maamuli doonaan sida danta dadka iyo dalka ku jirto, si weyna u soo dhoweynayo wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.
SAWIRRO
Wadani.com