Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si toos ah uga hadlay qaraxii maanta ka dhacay Suuq ku yaala magaalada Muqdisho oo lagu laayay dad ka badan 30 qof oo shacab ah.
Madaxweynaha oo bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal kooban ayaa sheegay in qaraxa uu muujinayo bahalnimada kooxda Alshabaab isagoo ku baaqay in loo midoobo la-dagaalanka Alshabaab.
“Qaraxii ka dhacay suuqa Kaawo-Godeey, Degmada Wadajir wuxuu caddeyn u yahay bahalnimada Al-Shabab. Waa in shacab iyo ciidanba loo midoobaa…” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay tahay markii ugu horeysay oo uu ka hadlo falalka Alshabaab.

Weerarada kooxda Alshabaab ayaa sii xoogeystay tan iyo intii uu madaxweyne Farmaajo xilka la wareegay, waxaana dhacay weeraro isugu jira khaarijin iyo qaraxyo.
Qaraxii maanta ka dhacay suuqa xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Wadajir magaalada Muqdisho wuxuu ahaa qarax si toos ah loola beegsaday dad shacab ah, wuxuuna dhaliyay fara badan.
Wadani.com