Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay la-taliyihiisa Ammaanka Qaranka.
Xilkan ayaa loo magacaabay Cabdi-Saciid Maxamed Cali ayaa ah nin aqoonyahan hore ula soo shaqeeyay Midowga Yurub xafiiskiisa Geeska Afrika, isagoo ahaa La-taliyaha Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, wuxuuna hore ula soo shaqeeyay IGAD.
Magacaabidda La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhinac ammaanka Qaranka waxaa shaaciyay wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo isagoo la sawiran baraha bulshada ugu hambalyeeyay, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda iyo xafiiska madxweynaha Soomaaliya.
Micheal Keatin ayaa sheegay in xilli xasaasi ah loo magacaabay xil xasaasi ah la-taliyaha cusub oo sheegay inay la shaqeyn doonaan, waana la-taliyihii saddexaad ee dhinaca amaanmka oo madaxweyne Farmaajo magacaabo.