Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Wareegto uu caawa soo saaray dalacsiiyey agaasimihiisii warfaafinta ee afhayeenka u ahaa Cabdinuur Maxamed Axmed, isagoo u magacaabay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay sii xoojineyso tallaabooyinkii hore ee ku aaddanaa awoodsiinta dhallinyarada ee dhinacyada siyaasadda, hoggaaminta hay’adaha Dowladda iyo ka qeybgalka dib u dhiska dalka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Agaasime guud la’aan ah muddo bil ka badna markii uu ka tegay agaasimihii shanaad, waxaana arrintan ay ku soo beegmeysaa iyadoo Madaxweyne Farmaajo xilligan kala guurka ah ku howlan yahay magacaabis iyo xilal kala bedelid.
Cabdinuur ayaa ka hor xilkan waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha iyo Afhayeenka Madaxtooyada, jagadaas oo uu hayay tan iyo markii uu Madaxtooyada ku soo biiray sannadkii 2017 kii.
