Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddi cusub oo loogu magac daray Gudigga Taakuleynta Ciidamada Qaranka.
Guddigan ayaa xalay looga dhawaaqay xaflad qaaraan loogu ururinayo ciidamada dowladda oo ay ka qeyb galeen madaxda sare ee dowladda Federaalka, waxaana Guddigan uu noqon doonaa mid lacago ka soo ururiya dadka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Guddiga ayaa loo magacaabay Gen. Jaamac Maxamed Qaalib, halka Guddoomiye ku xigeen laga dhigay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Gudigga hadiyad ahaan u siiyay kitaabka Quraanka, isagoo kula dardaarmay inay gutaan masuuliyadda loo magacaabay.
Jen. Jaamac Maxamed Qaalib ayaa madax ka ahaa Guddigii Doorashada ee Somaliland ee maamulay doorashadii xildhibaanada kasoo jeeda degaanada Somaliland e Muqdisho ka dhacday.
Sheekh Nuur Baaruud ayaa guddoomiye ugu aha Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaran oo weli shaqeynaya, kaasoo hanti badan iyo raashin uu maamulayay aan gudbin wax xisaab celin ah.
Dowladda Soomaaliya oo awoodi la’ inay canshuurta waajibka ah ka qaado Ganacsatada waaweyn, suuqyada waaweyn iyo Hoteelada Muqdisho ayaa u muuqata inay u wareegtay sadaqo ururin.
Wadani