Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu soo saaray ugu magacaabay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf-Garaad Cumar inuu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Xilkan ayaa waxaa banneeyay taliyihii ugu dhowaa madaxweyne Farmaajo ee Maxamed Balal oo hadda noqday Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda. Madaxweynaha ayaa u xilsaaray Danjire Yuusuf in uu sii ambaqaado doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.
“Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.” ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yiri qoraal ay soo saartay madaxtooyada.
Danjire Yuusuf-Garaad oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York ayuu u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isaga oo kula dardaarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Magacaabiddan ayaa imaaneysa xilli kala guur ah oo ay jiraan xaalado siyaasdeed oo ka dhashay muranka doorashada, waxaana beryahan baraha bulshada laga waayey faallooyinkii Yusuf Garaad, inkastoo xilkan aanu mihiimad weyn lahayn.