Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlay xeritaanka Shirka Dhuusamareeb 3 ayaa sheegay inay heshiis muddo dheer qaatay oo si weyn looga dooday kadib ay heshiis Doorasho gaareen.
Wuxuu sheegay in madaxda dowlad Goboleedyada ay ka wada sinnaayeen in dib loogu noqdo doorashadii 2016 oo qaarkood ay doonayeen in ergada laga dhigo 21, ayna rabeen inay iyaga soo xulaan ergada wax dooraneysa, wuxuuna caddeeyay inay isaga madaxda maamul Goboleedyada isu jireen Cirka iyo Dhulka.
“Dhuusamareeb 1 waxaa loo qabtay inay u midoobaan sidii ay uga hor imaan lahaayeen dowladda Federaalka si ay uu qasbaan dowladda wixii ay iyagu rabaan.. waxayna igu yiraahdeen haddii aad doorasho rabto Dhuusamareeb noogu imow… wa yahay anigaa idin imaanaya hakala tegina ayaan ku iri, sidaas ayaan Dhuusamreebn isugu nimid.. waxaan u imid dad ii xanaaqsan oo ii midoobay.. waan is mari weynay, waxaan isku raacnay inaan guddi farsamo la sameeyo oo la isku soo laabtay sidaas ayeyna ku timid Dhuusamareeb 3” ayu yiri Madaxweyne Farmaajo oo diirka ka qaaday wixii uu kala kulmay shirarkii Dhuusamareeb.
Mar uu ka hadlayey maqnaanshaha Shirka Dhuusmaareeb 3 ee madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayuu sheegya inay ka xun yihiin maqnaashahooda, laakiin uu aaminsan yahay inay ku raaci doonaan go’aanada heshiiska doorashada ee la gaaray.
“Wallaaheen qaar ayaa ka maqan.. waxaan ku dhiiri gelinayaa inay nagu raacaan go’aanada aan qaadanay.. waa kuwo iyaga iyo dadka soomaaliyeed aan u qaadanay maadaama aan intaas ka badan la sugi karin.. Wallaalaheen Puntland iyo Jubbalan waxaan leenahay idinkama maarano.. waan idin baahanahay..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Nidaamka Doorashada ee la qaatay ayuu ku sheegay mid isku dheeli tiran oo aan dhinacna u xaglin oo waqti badan la geliyey, wuxuu madaxda dowlad Goboleedyada saddexda ah ee la qaatay heshiiska ku amaanay sida ay ula qaateen in Guddiga Doorashada Qaran uu qabto doorashada.