Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulan la yeeshay xubno ka kala socday aamaha amniga, hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha gurmadka degdega ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo uga mahadceliyey kaalintii ay ka qaateen gurmadka qaraxii ugu danbeeyay ee Alshabaab ka fulisay wadadda Maka Almukarama.
Farmaajo ayaa sheegay in qaraxyada ay yihiin musiibo soo jirtay muddo 11 sano ah, oo aan aysana wax ka qaban karin oo kaliya ciidamada dowladda, wuxuuna intaas ku daray in musiibadan ay tahay in loo midoobo oo aan lagu halleyn hay’adaha amniga.
“Dowladdan waa shaqeysaa 2 sano waa waqti yar.., hal sano laba sano laguma xalin karo wax soo hallaabayey muddo 11 sano ah.. Wax ka qabashada is-qarxiska waa wax u baahan hanti iyo cilmi aad u badan, mana heyno dal naga bixiya dhaqaalaha… oo noo soo jeedo…” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo
HOOS KA DAAWO




