Madaxweynaha Soomaaliya ee muddo xileedkiisu sii dhammaanayo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad u jeediyey xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa la shaaciyey inay ku sugan yihiin 189 xildhibaan, sidaasina lagu furay shirka, waxaana lagu wareejiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh oo isna kusoo dhoweeyay Madaxweynaha. Kulanka waxaa ka maqan Aqalka Sare, wuxuuna kulanku kusoo koobmay Golaha Shacabka.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa bilaabatay, isagoo sheegay inuu ka hadlayo arrimaha Doorashada, isagoo xusay in Baaramaanka oo waqtigiisa dhammaaday, balse ay weli gudanayaan waajibaadkooda oo go’aano masiiri ah ay gaarayaan, isaguna uu fuliyey inaan Baarlamaanka la xirin oo awooddooda ay Madal qaadato, sida uu yiri.
Wuxuu sheegay inaan naahay dal buuxa oo go’aan leh oo aan la dhageysan waxa ay shisheeyaha noo sheegayaan.. isla markaana warbixintiisana aanay lahayn muxaafid iyo mucaarad, ayna tahay go’aan masiiri ah oo u yaalla.
Xildhibaanada qaar ayaa buuq bilaabay oo hadalka soo dhex galay.. wuxuuna codsaday in arrintu masiiri tahay iyo arrin u wada taalla dhammaandood.. waxaa sii socotay khudbadii Madaxweynaha oo habsami u socotay.
wuxuu ku eedeyay in Doorashada tanaasul badan ka sameeyay, balse ay mar waliba diidanayeen maamullada Puntland iyo Jubaland, isla markaana uu ka taaasulay wax waliba sidaasina lagu gaaray heshiiskii 17-ka September, heshiiskaas oo uu caddeeyay inuu qortay Siciid Deni, inta kalena ay daawaayeen, isaguna laga diiday labadii arrimood ee uu doonayey sida in Doorashada uu qabto Guddiga Doorashada madaxa bannaan, lana yareeyo lacagta lagu xiray haweenka musharixiinta ah.
Wuxuu sheegay in arrimaha Doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya ay ku jirto faragelin shiseeye, balse aanu dooneyn inuu qof tilmaamo, xaqiiqaduna tahay inaysan waxba hagaageynin. Farmaaj ayaa caddeeyay inay jirto rajo ah kulamo kale oo la isugu yimaado, kana odsaday xildhibaannada inay gacan ka geystaan qancinta madaxda Puntland iyo Jubbaland.

HOOS KA DAAWO