Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dadka Soomaaliya kala hadlay cudurka Coronavirus oo maanta kiiskii ugu horeeyay laga helay Soomaaliya.
Madaxweynaha oo TV-ga Qaranka kala hadlay shacabka aya sheegay in kiiskii ugu horeeyay maanta laga helay muwaadin Soomaaliyeed, sidaas darteedna uu ku baaqayo in dadka Soomaaliyeed ay u diyaargaroobaan inuusan cudurkani ku faafin dalkeena.
Wuxuu sheegay in cudurka uu yahay mid ay maaro la’ yihiin dalalkii waaweynaa, sidaas darteedna aysan dowladda waxba ka hagraneynin inay intii karaankeeda ah ka hortagto, waxna ka qabato cudurka.
“Waa inaan u diyaar garowno sidii cudurkan aanu ugu faafin dalkeena..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay mar ka koowaad ku dadaalaan caafimaadka, ayna raacaan fariimaha wasaaradda caafimaadka.
Wuxuu madaxweyne Farmaajo soo jeediyey:
1- In loo hoggaansamo wareegtooyinka wasaaradda, si looga fogaado wixii faafin kara cudurka.
2- In Bulshada ka wada qeyb qaadato ka hortaga cudurka.
3- In la joojiyo kulamada iyo isu imaatinka aan muhiimka ahayn
4- In la hakiyo safarrada aan muhiimka ahayn