Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa farriin is-garabtaag ah u diray Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson oo la xanuunsanaya cudurka Coronavirus.
“Waxaan u rarajeynaa Ra’iisal wasaare Boris Johnson caafimaad degdeg ah. Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay garab taagan yihiin Ra’iisal wasaaraha iyo Shacabka Biritish-ka xilligan adag. Waxaan u duceyneynaa si aan xal ugu helno dhibaatadda caalamka uu ku keenay Coronavirus” ayuu farriintiisa ku yiri Madaxweyne Farmaajo.
Farriinta madaxweynaha oo xalay soo baxday ayaan lagu shaacin baraha rasmiga ah ee Madaxtooyada Soomaaliya, balse waxaa lag qoray baraha shaqsiya ah ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.