Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 9
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweyne Farmaajow: Shan Qodob ayaa ka horeeya La-dagaalanka Musuqmaasuqa. [Farriin ku socota Farmaajo]

    Madaxweyne Farmaajow: Shan Qodob ayaa ka horeeya La-dagaalanka Musuqmaasuqa. [Farriin ku socota Farmaajo]

    April 4, 20173 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Rajo badan ayaa dadku ka qabaan inuu dalku ka dhaco isbedel keena in lala dagaalamo musuqmaasuqa ragaadiyay dowladda, waana sida lagu doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Madaxweynaha cusub waxaa balanqaadkiisii ka midka ahaa inuu ammaanada umadda ilaalinayo, kana hortegayo musuqmaasuqa, waxaana isla qodobkaan umadda u sheegay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo arrinta gaarsiiyay heer uu sheegay inay la jihaadayaan musuqa.

    Waxaan halkan ku soo bandhigayaa si arrintan loo rumeysto rajada la qabaana ay bilow wanaagsan u yeelato, waxaa farriintan ku tilmaamayaa shan qodob oo ka horeeya DAGAALKA MUSUQ LA-DIRIRKA ee ay ku dhawaaqeen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

    Qodobaddaas inkastoo madaxweynaha ay ku socdaan waxaa la wadaaga, Ra’iisal wasaaraha iy xildhibaanada.

    QODOBADDA WAXAY KALA YIHIIN:

    1 – In Madaxweynaha iska bilaabo dagaalka lagu qaadayo musuqa oo uu qirto lacagihii uu ku bixiyay doorashada, cafiska weydiisto umadda, isagoo ballan qaadaya inuu si daacad ah u dhaqmi doono [Codsigan waxaa hore u soo jeediyay Guddoomiyihii guddiga anshaxa doorashadii Madaxweynaha Soomaliya, waana mid weli taagan.. DHAGEYSO GUJI]

    2- In madaxweynaha miiska soo saaro lacagihii loogu keenay haddiyadda ama sooryada madaxweynea, sida dhaqaalaha uu ka soo helay safarradii dibadda siiba socdaalkii Sacuudiga, kuna wareejiyo Bankiga Dhexe si ay qeyb uga noqoto hantida Qaran [Wuxuu hore madaxweynaha lacag gaareysa 30,000 doolar ugu wareejiyay Guddiga abaaraha isagoo sheegay in qoyskiisa hadiyad loogu keenay –AKHRI WARKA].

    3- In Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay amraan, meelna saaraan isla-xisaabtan keena xisaabxir iyo dabagal lagu sameeyo hantidii ay musharixiinta kala duwan ka qaadeen Guddiyadii Doorashada ee kala danbeeyay iyo halkii ay ku danbeysay. [Guddigii Doorashada Heer Federaal iyo Guddiga doorashada Laba guddoon ee Baarlamaanka].

    4- In dib u eegis lagu sameeyo heshiisyada lagu bixiyay ilaha dhaqaalaha dowladda ee shirkado ajnabi ah iyo kuwa gudaha ahna ay maamulaan hantida qaran, iyagoo Guddi isku dhaf ay oo caalami ah horeba ugu taliyay inay heshiisyadaas ahaayeen kuwo aan qaab sharci ah loo marin [AKHRI WARKAN].

    5- In la helo Guddi madax bannaan oo arrinta musuqmaasuqa dabagal ku sameeya, isla markaana awood u leh inay soo baaraan, soona meeleeyaan hantida qaran ee siyaabaha kala duwan loo lunsado, lana qeexo dhammaan wixii noqon kara musuq iyo lunsasho hanti qaran.


    Markii intaan la helo kadib waxaa la aamini karaa in dowladda cusub ay ku socoto dariiqa ay kula dagaalameyso musuqmaasuqa, haddiise sidii hore lagu soo koobo arrinta in afka laga sheego, dagaalku noqdo “QAWDA MAQASHII, WAXNA HA QABAN” waxay dowladi cusubi noqon doontaa mid aan waxba dhaamin kuwii ka horeeyay oo iyagoo laba-canleynaya hantida umadda ku hadaaqi jiray inay nadiif yihiin.

    W/Q: Hassan Moalim [Wadani.com]


    HOOS KA AKHRI QORAALLO XIRIIR LA LEH

    Prof. Cabdi Ismacil Samatar: “Farmaajo waa inuu la yimaadaa geesinimo uu ku qirto laaluushkii Doorashada..” [DHAGEYSO]


     

    KASHIFAAD: Madaxweyne Farmaajo oo 30,000 Doolar ugu deeqay Guddiga Abaaraha [Aaway Sooryadii Sacuudiga..?]

    Warbixin xasaasi ah oo ku saabsan 11 heshiis oo dowladda Federaalka la gashay shirkado ajnabi ah

     

    Farmaajo La-dagaalanka musuqa Madaxweyne Farmaajo Musuqa MUSUQMAASUQ Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKenya oo Diyaarad ka tagtay Muqdisho ku amartay inay ku degto Garoonka Wajeer [Daawo]
    Next Article C/weli Gaas oo shaaciyay inuu Magaalada Dubai ku saxiixi doono heshiis ku saabsan Dekadda Bosoaaso

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo