Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi la socda ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu yahay ka qeyb galka shir wadatashi ah oo ay ugu yeereen Madaxda dowlad Goboleedyada dalka oo ku shiray Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Garoona Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda, Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.
Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka maqan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku kala sugan Garowe iyo Cadaado, iyadoo Axmed Madoobe iyo Siciid Deni la sheegay inay ka xeeladeysteen soo dhoweynta Farmaajo.





