Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Madaxweyne Gaas Aabbe & Hooyo u yahay dhunsashada malaayiin Doolar [Qormadii: Cali Xaaji Warsame]

    Madaxweyne Gaas Aabbe & Hooyo u yahay dhunsashada malaayiin Doolar [Qormadii: Cali Xaaji Warsame]

    May 4, 20182 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sida aan wada maqalney ama ka daalacaney baraha bulshada, maalintii Arbacada ee 02 May 2018, waxaa Madaxweyne Gaas xilkii ka qaadey Wasiir-Ku-Xigeenkii Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Puntland, Agaasimihii Guud iyo 5 ka mid ah madax-waaxeedyadii Wasaaradda, iyadooo guddi gaar ah oo loo saarey ku soo eedeeyey musuqmaasuq & maamul-xumo.

    Waa muhiim in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid kasta ama mas’uul kasta oo lagu soo eedeeyo musuqmaasuq iyo maamul-xumo, waana markii ugu horeysay oo Puntland qof shaqada looga eryo musuqmaasuq.

    Haddii fal-danbiyeedkaas lagu soo eedeeyey mas’uuliyiintaas uu dhab yahay waa tallaabo mudan bogaadin iyo dhiirigelin, waxaase meesha ka maqan labo arrimood oo muhiim ah:

    1. Mas’uuliyiinta fal-denbigaas lagu soo eedeeyey oo ku waayey shaqadoodii iyo sumcadoodii waxay xaq u leeyihiin in si sharci ah oo maxkamad horteed ah loogu caddeeyo in ay galeen denbigaas foosha xun, ee kuma filna guddi loo saarey baa ku helay falkaas. Sidoo kale iyagoon xaqoodii is-difaaca helin baa la ceyriyey waa arrin qaab sharci ah aan loo marin.

    Haddii shaqada laga saari lahaa iyadoon la eedeyn waxay noqon laheyd tallaabo Madaxweynaha u furan oo aan ka daba-tag laheyn waase la eedeeyey, loomana ogolaan in ay is-difaacaan “Timir laf baa ku jirta”.

    2. Haddii musuqmaasuq lala dirirayo reer Puntland waa ogyihiin in Madaxweyne Gaas aabbe & hooyo u yahay dhunsashada malaayiin doolar oo maatada, ciidamada, macalimiinta iyo shacabka reer Puntland lahaayeen, oo si cad isaga ugu maqan, waxaa kaloo ku maqan malaayiin doolar oo magaca reer Puntland lagu soo qaadey ama dowladda dhexe soo marey (budget support), ama dowladaha deriska ah iyo hay’adaha dalka laga soo qaatey oo uu Madaxweyne Gaas dhunsadey, cadeymo dhameystirana loo hayo. Waxaa ka sii daran lacagtii uu daabacdey maalin cad oo uu suuqa ku sii daayey, taasoo dhaawac weyn u geysatey ganacsigii Puntland ee cashuurta xad-dhaafka ah la il-darnaa iyo noloshii qoysaska masaakiinta ah ee intooda badan ku nool boqol doolar oo dibadda looga soo xawilo.

    Miyaaney la gudbooneyn Madaxweyne Gaas in uu marka hore ka xalaal noqdo musuqmaasuqa intaas le’eg ee uu maamuley 4 sano & barkii uu xilka hayey, illaahey ha uga toobad-keeno, ummadda Puntland hantideeda ha u soo celiyo, dabadeedna ha xukumo golayaashiisa ciddii musuqmaasuq cad ku kacda mise sharcigu wuxuu qabtaa kaliya qofka aan is-difaaci karin mise anaa waalane Cadan baa laga heesaya.

    W/Q: Cali Xaaji Warsame

    CaliXaaji warsame Gaas Musuq Puntland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTwitter oo digniin u diray dad gaaryaa 330 Milyan oo adeegsada bartaasi & Talo degdeg ah oo la siiyey
    Next Article Maamulka Somaliland oo xayiraad kusoo rogay Hay’adaha fadhigoodu yahay Koonfurta Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo