Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa magacaabay Guddiga doorashada Puntland oo ka kooban lix xubnood oo uu sheegay inay ka mid tahay balanqaadkiisii doorashada uu ku galay, waxaase xusid mudan inaysan Puntland weli ka jirin xisbiyo siyaasadeed iyo goleyaal degaan oo doorasho shacbi ku yimid.
HOOS KA AKHRISO WAREEGRADA MADAXWEYNE GAAS
Xeer Madaxweyne Lr.15, February 14, 2016, kuna saabsan Magcaabid Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland;
Markuu tixgeliyey: Ballanqaadkii Dawladda ee ku aadanaa horumarinta barnaamijka Dimuqraadiyaynta;
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya aragnimadooda shaqo;
Wuxuu xeeriyey:
- Cabdulaahi Cali Nuur Xubin
- Maxamed Cabdille Faarax Xubin
- Naciima Cabdiraxmaan Guuleed Xubin
- Axmed Maxamed Cali Xubin
- Maxamuud Soofe Xasan Xubin
- Maxamed Saciid Cumar Xoghayn
—DHAMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.