Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta wareegto ku magacaabay wasiir iyo wasiir ku xigeen ka mid noqonaya xukuumadda Puntland.
Xubnaha la magacaabay waxaa ka mida Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
Xeer Madaxweyne Lr.47 May 12, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir Iyo Wasiir Kuxigeen.
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda Iyo Waayo-Aragnimadooda Shaqo.
Markuu Latashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland.
1. Waxaa Daahir Xaaji Khaliif Loo Magacaabay Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Iyo Waraabka.
2. Waxaa Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud Loo Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.