Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabayTaliyaha iyo kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Ciidanka Booliska Dawladda Puntland.
Wareegtada ayaa qorneyd sidatan.
Madaxweynaha dawladda Puntland.
Markuu arkay: Datuurka dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.
2. Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
3. Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
Xeerkani wuuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo wuuna saxiixay.

![Madaxweyne Gaas oo Taliye & Taliye ku xigeenno cusub u magacaabay Booliska Puntland [Wareegto]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/01/Gaas2017.jpg)