Madaxweynaha maamul Gobleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u dhoofay dalka Itoobiya, isagoo kadib u socdaal ku tegi doona dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa ayaa la sheegay inuu dalka Itoobiya kulamo kula yeelan dono madaxda dalkaasi oo xiriir gaara kala dhaxeeyo maamulka Soomaaliyeed ee Puntland, wuxuuna ka mid yahay madaxda Soomaalida ee sida badan isaga daba laabta Itoobiya.
Socdaalkiisa Itoobiya kadib ayaa la sheeagay in madaxweyne Gaas uu tegi doono dalka Imaaraadka oo uu hadda ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Imaaraadka ayaa taageero siiya maamul goboleedyada dalka oo ay ka mid yihiin Somaliland iyo Puntland, waxaana la sheegay in madax kale oo ka mida kuwa maamul Goboleedyada dalka ay tegi doonaan Imaaraadka.