Madaxweyne ku xigeenka dalka Malawi Saulos Klaus Chilima ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay soo dhammaaday baaritaan ku saabsan eedeymo suq-maasuq oo uu kusoo eedeeyay xafiiska la-dagaallanka musuq-masuqa ee daikaas.
Hay’adda la-dagaallanka musuq-maasuqa dalka Malawi ayaa usoo oogtay madaxweyne ku xigeenka Chilima inuu ku kacay falal musuq ah, markii uu shirkadaha lagu magacaabo Xaviar Limited iyo Malachitte FZE uu siiyey qandaraasyo una fududeeyay heshiis Qandaraasyada ay bixisay Dowladda Malawi.
Labadan shirkadood ayaa waxaa gacansaar la leh Ganacsade Ingiriikas ee lagu magacaabo Zuneth Sattar, si ay qandaraasyo u siiso dowladda Malawi.
Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera oo Bishii June Kiiska musuqa ku-xigeenkiisa ayaa ka qaaday awoodii uu lahaa madaxweyne ku xigeenkiisa intii ay socotay baarintaankii musuqmaasuqa.
“Ma jirto wax faahfaahin ah oo aan ka bixinayo. Waxaan maxkamadda u oggolaan doonaa in baaritaanka uu socdo,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Saulos Klaus Chilima oo Maxkamadda bannaankeeda kula hadlay saxafiyiinta markii la siiyay dammaanad.
Xafiiska La-dagaalanka Musuqmaasuqa dalka Malawi ee ACB)ayaa 25-kii Novermbar xabsiga dhiay madaxweyne u xigeenka Saulos Klaus Chilima, waxaana lagu helay inuu intii u dhaxaysay Maarso 2021 iyo Oktoobar 2021, uu ka helay lacag dhan USD 280,000 iyo alaabo kale oo ka timid Ganacsade Zuneth Sattar, taasoo ahayd abaalmarin Musuq ah “
Bishii Janaayo ee sanadkan, madaweynaha Malawi, Chakwera, ayaa kala diray dhammaan golahiisa wasiirada, kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq ka dhan ah saddex wasiir oo xilka hayay.
