Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ee uu dhowaan dib u magacaabay madaxweynaha maamulkaasi ee Axmed Madoobe ayaa si qarsoodi ah ugu sugan Hotel ku yaalla magaalada Mandhera ee dalka Kenya.
Sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya ciidamada difaaca Kenya ayaa la wareegeen amniga iyo bedqabka Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, kadib markii ciidamada Itoobiya ay u diideen inuu galo degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo oo u dhow xuduudka labada dal.
Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdigiisa ayey ciidamada Kenya dejiyeen Hotel ku yaalla Mandheera oo shan maalmood ka hor loo kireeyay, sida uu sheegay sarkaal dhinaca amniga ee Mandheera waxay soo dhoweeyeen mas’uulkan oo loo diiday inuu galo magaalada Beledxaawo.
Dowladda Somalia oo dagaal kula jirta Axmed Madoobe, isla markaana dib u doorashadiisa sharci darro ku tilmaantay ayaa taageero ka heleysa ciidamada Itoobiya, halka Kenya ay taageereys Axmed Madoobe.