Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ka hor yimid baaq wadahadal ah oo madaxweynaha Puntland dhowaan ugu baaqay madaxda maamulka Somaliland.
Qoraal kasoo baxay madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu sheegay inaan wax gorgortan ah Somaliland lagala laga geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland ee gobollada Sool Sanaag iyo Cayn. Qoraalka madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa cuskaday Qodobka 7-aad ee Dastuurka dowladda Puntland oo ay ku caddahay inaan wax gorgortan iyo wada-hadal ah laga geli karin xuduudaha Dastuuriga ah ee Puntland gaar ahaanna dhulka Sool sanaag iyo Cayn ay ka haysato Somaliland.
Dhowaan ayey ahayd markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wadahadal lagu dhammeeyo muranka ka taagan dhulka ay Somaliland qabsatay ee Sool Sanaag iyo Cayn. Xiriirka madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa sii xumaaday dhowaanahan, iyadoo Axmed Karaash uu ka hor yimid Guddiga Doorashada ee uu magacaabay Madaxweyne Deni.
HOOS KA AKHRISO
