Madaxweyne ku xigeenka Ahlu suna ee Goboladda Dhexe C/llaahi Xersi Diirshe (Daacad) ayaa galabta xayiraadii laga qaaday iyadoo magaalada Cadaado uu ku xirnaa muddo dhowr maalmood ah kadib markii ay xaaladiisa soo dhex galeen waxgarad iyo siyaasiyiin ay qaraabo yihiin.
Md. Daacad ayaa la sii daayay iyadoo dadkii arrintiisa xaliyay ay sheegeen inuusan ku soo laabaneynin magaalada Cadaado isla markaana abaabul kale ka sameyn doonin degaanada maamulka Galmudug. Madaxweyne ku xigeenka Ahlu Suna oo Dhuusamareeb gaaray caawa ayaa Radio ku yaala halkaasi u sheegay in kooxdii isku dayday inay carqaladeyso ay fashilmeen.
Xaalada magaalada Cadaado ayaa maalmihii ugu danbeeyay ahayd mid howlgallo ay ka socdaan oo ciidamo badan la geeyay kadib falal amni darro oo ka dhacay markii la qabtay madaxweyne ku xigeenka Ahlu suna.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]