Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdi Samad Cali Shire oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad Goboleedka Puntland.
Marxuumka ahaa la sheegay inuu xanuunsanaa, waxaana shalay laga qaaday magaalada Hargeysa iyadoo la geeyay magaalada Muqdisho, halkaasoo u Khamiista maanta ku geeriyooday.
Cabdisamad Cali Shire oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa mar soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland dowladdii uu madaxda ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2014.
Waxaa tacsi u diray madax iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka.
