Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Madaxweyne Mustafe Cagjar oo iska fogeeyay in Maaamulkiisu lug ku leeyahay kala qeybinta Ururka ONLF

    Madaxweyne Mustafe Cagjar oo iska fogeeyay in Maaamulkiisu lug ku leeyahay kala qeybinta Ururka ONLF

    May 28, 2025Updated:May 28, 20252 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Jimco, May 28, 2025-Madaxweyne Mustafe Cagjar oo iska fogeeyay in dowladiisu lug ku leedahay kala qaybinta ONLF
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
    Arbaco, May 28, 2025 (Wadani.com) – Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa been abuur ku tilmaamay eedo uu u soo jeediyay garab ka mid ah ONLF oo dibad wareeg ah, kuwaas oo sheegay in dowladdiisu ay ururka laba garab u kala jabisay.Madaxweynaha oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa isagoo ka jawaabaya eedahaas sheegay in dowladdu aysan wax cadaadis ah saarin ururka, isla markaana aanu jirin qof ka tirsan ONLF oo maanta xabsi ku jira, ama xafiis ururku leeyahay oo la xidhay.

    “Ma jiro qof ama xafiis laga xidhay ONLF. Waxaa jirtay maalin xasaasiyad kale taagnayd oo la lahaa inan ayaa la dilay, shir bay lahaayeen, dib u dhig ayaa lagu yidhi. Booliisku meesha wuu tegay, dad la jiid-jiiday iyo dad yar oo la xidhay ayaa jiray. Dhacdadaas wax ka baxsan ma jiraan” ayuu yidhi Madaxweyne Cagjar.

    Madaxweyne Cagjar wuxuu iska fogeeyay eedaha sheegaya in dowladdiisu ay ONLF laba u kala jabisay, eedahaas oo uu soo jeediyay Guddoomiye Cabdikariin Sheekh Maxamed Mahdi (Maaday), oo sheegta inuu yahay guddoomiyaha saxda ah ee ONLF.

    Wuxuu sheegay in Dowlada Deegaanka aysan sharciyad siin ururada siyaasadda, balse Guddida Doorashooyinka Itoobiya ay ogolaansho siiso cidda ay u aragto in ay sharci tahay.

    Isagoo ka jawaabaya hanjabaadda Guddoomiye Maaday ee ah in ONLF ay markale duurka gali doonto, ayuu Madaxweyne Cagjar sheegay in arrintaasi aysan wax walaac ah ku hayn dowladdiisa. Wuxuu xusay in deegaanka aysan hadda suuragal ka ahayn in jabhad dib uga dilaacdo, wuxuuna garabka Maaday ku eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin dowlado shisheeye.

    “Cabashada ONLF waxa aanu ka qaban karnaa waa wixii la xidhiidha sharciyeynta ururka, taasoo ay kala xaajoon doonaan cidda ay khusayso. Haddii ay doonayaan in ay waddanka kusoo laabtaan, waan casuumaynaa. Wixii heshiis ah ee ay Itoobiya la galeenna, Itoobiya ha weydiiyaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

    Ururka ONLF ayaa hadda u kala fadhiya laba garab oo ay kala hoggaamiyaan Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) iyo Cabdikariin Sheekh Maxamed Mahdi (Maaday). Qalbidhagax ayaa hoggaamiya garabka ay dowladda Itoobiya aqoonsan tahay, halka Maaday uu hoggaamiyo garab dibad wareeg ah.

    Maaday ayaa dhawaan Madaxweyne Cagjar ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay kala jabka ururka. Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasadda ay ka mid tahay in ururrada iyo dowladuhu ay is wiiqi karaan oo ay dadka kala jiidan karaan, balse aysan dowladdu wax shaqo ah ku lahayn kala jabka ONLF.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa laga filan karaa shirka maanta u furmaya mucaaradka?
    Next Article Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo