Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa codkiisa diidmada qayaxan ee VETO u adeegsaday qaraar Koongareeska Mareykanka meel mariyay oo ku saabsan in Sacuudiga lagu dacweyn karo weerarkii 11-ka September.
Qaraarka Koongareeska ayaa shaqsiyaadka Mareykanka ah ee waxyeeladu kasoo gaartay weeraradkii 11- September u ogolaanaya inay dowladda Sacuudiga dacweyn karaan, kana dalban karana magdhow, arrintan oo halis ku ah xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Sacuudiga.
Madaxweyne Obama ayaa awood u leh inuu diido go’aanada kasoo baxa Golayaasha Koongareeska iyo Mudanayaasha Mareykanka, laakiin wuxuu go’aanka la diiday dib ugu laabanayaa Koongareeska oo laga doonayo inuu 2/3 (Saddex meelood, laba) ugu codeeyo si diidmada Madaxweynaha ay meesha uga baxdo una dhaqangalo go’aanka.
Wararka ayaa sheegaya in go’aankan ay si weyn u taageersan yihiin Xubnaha Koongareeska isla markaana uu heli doono codad fara badan, taasoo keeni doonta in Sacuudiga wajaho xaalad adag iyo in laga dalbado magdhow fara badan.
Inta badan mudanayaasha ka soo jeeda xisbiga Dimoqraadiga iyo Musharaxa xisbigaasi Hillary Clinton ayaa taageersan qaraarka Koongareeska oo ah in Sacuudiga lagu dacweeyo weerarkii 11-ka September.
Xubnaha yar ee difaacaya Sacuudiga ayaa ku doodaya in haddii arrintan la furo ay keeni doonto dacwado badan oo Mareykanka looga soo oogo dalalka dibadda siiba dalalkii uu dagaalada ku qaaday ee Vietnam, Ciraaq, Afghanistan iyo dalal badan oo diyaaradihiisa Drone-ka ay weerarko ka geysteen sida: Pakistan, Yeman, Liibiya, Somalia iyo dalal kale.
Wadani.com