Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Madaxweyne Afrikaan ah oo Abaal marin u heshay lacag dhan 5 Milyan oo Doolar ah

    Madaxweyne Afrikaan ah oo Abaal marin u heshay lacag dhan 5 Milyan oo Doolar ah

    February 12, 2018Updated:February 13, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Ellen Johnson Sirleaf
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynihii hore ee dalka Liberia, Ellen Johnson Sirleaf, ayaa ku guuleysatay abaalmarinta Mo Ibrahim oo ah abaalmarin sanad kastaa la siiyo hoggaamiyeyaasha Afrika ee loo arko in ay dalkooda si wanaagsan u xukumeen.

    Ellen Johnson Sirleaf ayaa sanadkii 2006-dii waxa ay noqotay haweeneydii ugu horreysay qaaradda Afrika oo noqota madaxweyne, waxaana xilkaasi ay isaga degtay bishii la soo dhaafay. Guddiga abaalmarinta ee Mo Ibrahim ayaa sheegay in Ellen Johnson Sirleaf ay muujisay hoggaan wanaag muddadii ay xilka haysay, inkastoo ay caqabado badan la kulantay.

    Xilligii Sirleaf ay ku guuleysanaysay doorashadii sanadkii 2005-tii, dalka Liberia waxa uu ka soo bxayay colaad sokeeye, waxaana haweeneydaasi ku guuleysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel lagu ammaanaa gacantii ay ka geysatay xasilinta dalka.

    Dadka dhaliila Sirleaf ayaa ku eedeeya eex, sababtoo ah wiilasheeda ayaa loo magacaabay xilal muhiim ah. Waxa ay sidoo kale sheegayaan in aysan wax weyn ka qaban la dagaalanka musuqmaasuqa.

    Guddiga abaalmarinta ee Mo Ibrahim ayaa sheegaya in ay ogyihiin khaladaadka iyo waxyaabaha ay ka gaabisay Sirleaf, balse ay go’aansadeen in ay u qalanto abaalmarintaasi shanta milyan ee doolar ah.

    Ganacsadaha reer Suudaan ee haysta dhalashada Britain Mo Ibrahim ayaa sanadkii 2007-dii waxa uu billaabay abaalmarintan si uu ugu abaalgudo hoggaamiyeyaasha qaaradda ee muujiyay hoggaan wanaag, maadaama kaligii talisnimo ay ragaadisay horumarka qaaradda Afrika.

    Abaalmarinta ayay ahayd in sanad kastaa la siiyo hoggaamiye Afrikaan ah balse lixdii sano ee la soo dhaafay ma jirin hoggaamiye ku guuleytay.

    Ellen Johnson Sirleaf waxa ay tobanka sano ee soo socda qadan doontaa shan milyan oo doolar iyo 200,000 oo doolar oo ay qaadan doonto inta nolasheeda ka hartay.

    Dadkii horay ugu guuleystay Abaalmarinta Mo Ibrahim

     2007: Madaxweynihii hore ee Mozambique Joaquim Chissano

     2008: Madaxweynihii hore ee Botswana Festus Mogae

     2009: Qofna kuma guuleysanin

     2010: Qofna kuma guuleysanin

     2011: Madaxweynihii hore ee Cape Verde Pedro Verona Pires

     2012: Qofna kuma guuleysanin

     2013: Qofna kuma guuleysanin

     2014: Madaxweynihii hore ee Namibia Hifikipunye Pohamba

     2015: Qofna kuma guuleysanin

     2016: Qofna kuma guuleysanin

     2017: Madaxweynihii hore ee dalka Liberia, Ellen Johnson Sirleaf

    Africa Ellen Johnson Sirleaf Liberia Mo Ibrahim
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Guddoomiye Yariisow oo Cadaadis weyn uga yimid Shaqaale uu ka ereyay Maamulka G/Banadir [Akhriso]
    Next Article Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir oo Soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyay Turkiga [Daawo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo