Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, isagoo shaaciyey inuu furmay wejigii koowaad shirka Dhuusamareeb 3, isla markaana la sugayo madaxda Puntland iyo Jubbaland.
Qoorqoor ayaa sheegay inay maanta warbixin ka dhageysteen Guddiga farsamada shirka, ayna kalsooni ku qabaan in heshiis laga gaaro arrinta Doorashada dalka, isagoo ku dooday inaysan xaaladda la joogo ku fiicneyn farriimo hawada la isku mariyo, ayna tahay in gogosha Dhuusamareeb lagu heshiiyo.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay madaxda ka maqan shirka ee Puntland iyo Jubbaland inay shirka kusoo biiraan oo ay qadariyaan gogosha Galmudug dhigtay, isagoo dhinaca kale sheegaya inuu shirku furmay oo uu socdo.
Shirka jaraa’id ee Madaxweynaha Galmudug ayaa yimid iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan inuu taageeray qorshaha madaxweyne Farmaajo, shirkana lasoo gabagabeyn doono, waxaana ka muuqatay in shirka uu isu bedelay shir ay isugu soo hareen taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo.