Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Madaxweyne Safar Raadis ah (Qormo xiiso leh)

    Madaxweyne Safar Raadis ah (Qormo xiiso leh)

    June 14, 2015Updated:June 14, 20159 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    safarmadax
    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaa lagu eedeeyaa in ay safarradiisu tirada ka bateen. Kartuuniste Amin Amir oo badiyaa siyaasadda sawira ayaa ku soo qaatay kartuun uu dhowaan sameeyay. Waa Madaxweynaha oo markaas safar ka soo laabtay oo la taliyeyaashiisa weydiisanaaya in uu jiro shir kale oo caalami ah oo uu ka qeyb geli karo.

    xsan-amir

    Maqaalkaan waxaan ku soo bandhigayaa waxa ii soo baxay ka dib markii aan baaritaan ku sameeyay in waxa laga sheegayo Madaxweynuhu ay sax yihiin iyo in kale. Baaritaan aan ugu fiirsanayo ayaan ku sameeyay safarradii Madaxweynaha ee 2013: xaggee booqday, muddada uu joogay, ujeeddada iyo waliba tan ugu muhiimsan oo ah waxa ku baxay iyo waxa laga faa’iiday iyo in kharashkaas loo isticmaali karay wax ka muhiimsan safarka Madaxweynaha.

    Macluumaadka waxaan ka helay in aan u fiirsaday wararka ay qoreen baraha internetku, oo ayagu si joogta ah u qora dhacdooyinka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin safarrada Madaxweynuhu uu dibadda ugu baxo. Iyo waxaa kale oo aan eegay miisaaniyadda Laamaha Dowladda aniga oo wareysiyo ka qaaday xiriirro muhiim ah oo aan Dowladda ku leeyahay (kuwa hore iyo qaar hadda ahba).

    Madaxweyne Socdaal badan

    Tan iyo 2013 Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu dalka ka maqnaa 198 maalmood oo uu ku maqnaa 61 safar oo dalka dibaddiisa uu ugu kicitimay. Wuxuu booqday Burundi, Djibouti, Masar, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Rwanda, Koofur Afrika, South Sudan, Sudan, Uganda, Belgium, Denmark, France, Germany, Italy, Turkey, UK, US, Imaaraadka Carabta, Urdun, Sucuudiga, Kuwait, Qatar iyo Japan . Sida ka muuqata Jaantuuska Koowaad, wakhtiga ugu badan ee safarradiisa wuxuu Madaxweynuhu ku qaatay Amerika iyo Yurub, halkaas oo uu ku maqnaa isu geyn 88 maalmood, Mareykanka ayaa ugu sii badnaa oo uu joogay 32 maalmood. Sannadka 2013 keliya, Madaxweynuhu wuxuu dalka ka maqnaa 92 maalmood. Siiba bilaha January iyo February wuxuu Madaxweynuhu dalka ka maqnaa 25 maalmood. Sannadka 2014 wuu dhaamay sannadkii ka horreeyay. 2014 wuxuu Madaxweynuhu dalka ka maqnaa 79 maalmood.

    jadwalkaInta badan ujeeddada safarradani waxay ahayd salaan ama ka qeybgal shir caalami ah oo aan muhiimad gooniya u lahayn Soomaaliya, kuwa aan tiro badneyn marka laga reebo. Shirarka muhiimka ah waxaa ka mid ahaa shirkii New Deal ee September 2013 oo 2 maalmood socday.

    Shirarka kale ee Madaxweynaha lagama dhaxlin siyaasad ama hadaf siyaasadeed. Lagumana geerin heshiis kor u soo qaaday nolosha Soomaaliya.

    Waxaa kale oo ii soo baxay in hantida Qaranka ee sida ku khaladka ah loogu kharash gareynayo safarrada dibaddu, ay ka sii dartay markii uu xilka qabtay Ra’iisal Wasaaraha hadda jooga Cumar Cabdirashiid oo dalka dibadda uga maqnaa 33 maalmood oo ka mid ah 100 maalmood ee ugu horreysay. Safar uu ku tegey Qatar wuxuu horkacayay wafdi ka kooban 25 xubnood. Hadda oo aan qorayo maqaalkaan, isaga iyo ku xigeenkiisuba waxay ku maqan yihiin safarro dalka dibaddiisa ah oo dalal badan ay isu marayaan. Sidoo kale waxaa dibadda ku maqan Wasiirro dhowr ah iyoMadaxweynaha oo Koofur Afrika u ambabaxay.

    Maxaa ku baxa safarradan

    Waa muhiim in la fahmo in Dowladda Soomaaliya ay horyaallaan caqabado tiro badan ayna hadda ku shaqeyso beekhaaminta miisaaniyadda. Sannadkii 2013 dakhliga Dowladdu wuxuu ahaa US$110 milyan, sannadkii 2014 kor ayuu dakhligu u kacay oo wuxuu gaaray US$142 milyan. Dakhligaas badankiis waxaa lagu bixiyay Xafiisyada muhiimka ah ee Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo hey’adaha amniga. 2013 iyo 2014 miisaaniyadda Madaxweynuhu waxay ahayd $3.7 milyan iyo $4.3 milyan. Saraakiil Xafiiskiisa ka ag dhow waxay sheegeen in Madaxweynaha ay safar kasta u raacaan celcelis ahaan inta u dhexeysa 12 iyo 18 qof oo isugu jira amni, habmaamuus, la talin, saxaafad, Wasiirro iyo xubno qoyskiisa ah. Kharashka tikidhada, jiifka, raashinka iyo kharashka kale waxaa safar kasta ku baxaya $40,000 halkii maalin. Inkasta oo laga yaabo in ay ka sii badan tahay.

    Qiyaastu waxay tahay in safarrada ay tiradoodu tahay 192 ee uu Madaxweynuhu dalka dibadda uga dhoofay tan iyo 2013 in isu geyn kharashka ku baxay uu yahay $8 milyan uu u dhiganta in sannad kasta uu Madaxweynuhu safar ku kharash gareeyo $4 milyan.

    safar1Waa nasiib darro in aan la arag safar muhiimaddiisu ay qiil u noqon karto in Madaxweynuhu uu lacag intaa la’eg ku kharash gareeyo ayada oo miisaniyadda dowladdu ay aad u yar tahay.

    Maxaan ku qabsan karnay $8 milyan oo ay noo goyn lahayd?

    Dhaliisha Madaxweynaha loogu soo jeediyo in uu safar badan yahay waxaa loola dan leeyahay in la muujiyo in kharashka loo isticmaali karay in lagu xalliyo dhibaatooyin deg deg ah oo ka muhiimad badan safarka. Waxaa ka mid ahaan kara dib u dejinta barakacayaasha Muqdisho, wax u qabshada shakhsiyaadka caanka ku ah dhaqanka, hiddaha iyo fanka Soomaaliyeed ama in militeriga lagu xoojiyo.

    Bishii June 2014 waxay hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ku qiyaastay in Soomaaliya ay ku sugan yihiin 1.1 milyan oo dalkooda ku dhex barakacay. In ka badan 364,000 oo dadkaas ka mid ahina in ay ku sugan yihiin Muqdisho, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ahi ay yihiin haween iyo gabdho. Dhibaatada haysata barakacayaasha Muqdisho ku sugan waa mid ay si wanaagsan wax uga qoreen hey’adaha xuquuqda Aadanuhu, Human Rights Watch (HRW) iyo Amnesty International. Laba ka mid ah xeryahaasi waxay ku yaallaan Madaxtooyada labadeeda dhinac. Marka aad Uganda House oo Madaxtooyada ku dhex yaal aad dul fuusho, wey kuu muuqdaan xeryahaasi.

    [ad name=”HTML-1″]

    Sida ay qortay warbixinta HRW, Barakacayaashu waa dad dhib badan uu ka haysto kufsi iyo faraxumeyn ay dad hubeysani kula kacayaan, waxaana dadkaas hubeysan ku jira ciidanka dowladda iyo kan AMISOM.

    Dabcan haweenkaas iyo gabdhahaasi way arkaan kolonyada Madaxweynaha oo si xowli ah ugu socota Waddada Maka al Mukarrama marka uu Madaxweynuhu dalka ka dhoofayo iyo marka uu ku soo laabto. Gef ma aha in la sheego in xaaladdooda noloshu aysan kor u kicin, tan iyo markii Xasan Shiikh uu xilka qabtay. Laakiin haddii Madaxweynuhu $8 milyan ee safarradiisa ku baxay uu u qoondeyn lahaa Barakacayaashaas deriskiisa ah, Soomaaliya saas ayaa u roonaan lahayd.somalis

    Koox kale, oo Barakacayaasha ka tiro yar, laakiin uu dhibka haysta in wax laga qabto ay muhiimad weyn leedahay waa fannaaniinta Qaranka oo sannado badan naga haqab tiray muusigga,gabayda iyo bandhig faneedyada heerka sare ah ee ay qaban jireen beri samaadkii toddobaatanaadkii iyo siddeetamaadkii. Fannaaniintaas weligood ma qiyaasin in ay ku noolaan doonaan xaaladda ay maanta ku jiraan ayada oo ay Villa Somalia sidaas ugu dhow dahay. Ayada oo tiyaatarkii oo dunsan uu dhinaca ku haayo, Madaxweynahooduna uu safarro dibadaha ah isaga gooshaayo xaaladdoodana dan uu ka lahayn. Cabdi Tahliil Warsame oo caafimaadkiisu liito wuxuu ku nool yahay meel aan u qalmin. Cabdi Tahliil haddii aadan aqoon wuxuu fanka Soomaaliya uga jiraa kaalinta Elvis iyo Michael Jackson oo kale.

    al-fanaan Cabdi tahliil

    Ugu dambeyntii markii uu gargaar caafimaad helay, ma ahayn mid ay Dowladdu u fidisay. Wuxuu ahaa mid ay taageerayaashiisu abaabuleeen. Haddii Madaxweynuhu go’aansan lahaa in uu safarradiisa dhimo, waxaa laga yaabaa in lacag ku filan loo heli lahaa oo lagu taageero fannaaniinta sida Cabdi Tahliil oo kale ah. Madaxweynuhu waa awooday in uu dhimo safarradiisa si ay fannaaniinteennu ay ugu noolaadaan si sharaf leh, taas oo ay muteysteen xaqna ay u leeyihiin.

    Dowladdu waxay mar kasta sheegtaa in amnigu yahay yoolkeeda ugu muhiimsan. Sidoo kale amnigu wuxuu si muhiim ah uga mid yahay lixda tiir ee Madaxaweynuhu sheegay in siyaasaddiisu ay ku saleysan tahay. Laakiin xaaladdu waxay ka marag kacaysaa taas wax ku lid ah.

    Miisaaniyadda militeriga 2014 waxay in yar ka badnayd $49 milyan, oo loogu tala galay in militeriga Muqdisho lagu daryeelo, laakiin askarta magaalada joogtaa mushaarkooda si joogta ah uma helaan. Miisaaniyadda militeriga waxaa mas’uul ka ah oo maamula nin ay madaxweynaha isku beel hoose yihiin, Abdullaahi Maalin Nuur, oo sida uu lacagta militeriga u maamulo aan ku soo bandhigi doono maqaal aan soo wado.

    Askarta ku sugan meel ka baxsan caasimaddu waxay nasiib leeyihiin haddii ay saddexda wakhti ay mid ka mid ah helaan wax ay cunaan. Dhacdada aan sheegi doono waxay muujineysaa sida ay lidka isugu yihiin hadalka uu Madaxweynuhu kor u sheego iyo ficilkiisu. 31-kii July 2014, wuxuu Madaxwynuhu booqday Garbahaarey. Waxaa soo dhoweeyay ciidan dowladda ka tirsan oo al Shabaab dagaal kula jiray in ka badan laba sano ayaga oo aan dowladda Federaalka ka helin kaalmo. Markii taliyihii ciidankaasi uu Madaxweynaha u sheegay in aan ciidanku weli wax mushaar ah qaadan, Madaxaweynuhu wuxuu ku jawaabay dhaqaale xumo in ay jirto, wuxuuna u dhiibay $2,000 in uu u qeybiyo ciidanka. Waxaa askari kasta soo gaaray wax aan dhammay hal dollar. Saddax maalmood ka dib, Madaxweynuhu lacag wuu u hayay in uu wafdi ka kooban 12 ruux uu u hoggaamiyo Washington, si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika. Tikidhada keliya ayay ku baxday $120 kun oo doollarka Mareykanka ah. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa wiilkiisa oo tikidkiisa business ah oo magaalooyin badan isu marayay ay ku baxday lacag ku dhow $10,000.

    Siddeed maalmood ee Madaxweynuhu safarkaas ku maqnaa, asaga iyo wafdigiisa lacagta ku baxday waxay kor u dhaaftay $300 oo kun oo doollar. Arrintani waxay tusaale cad u tahay sida Madaxweynuhu ugu takri falo maaliyadda Qaranka, isla markaasna uu saameyn toos ah ugu leeyahay sababta ay dowladdu ugu fashilantay in ay xoojiso dhismaha hey’adaha Qaranka, Shabaab in ay ka adkaato iyo in ay hagaajiso amniga Muqdisho. Intaan qoraalkan waday waxaa soo baxday in degmada Toora-Tooorow ay iaskaga baxeen ciidankii dowlada mushaar la’aan owgeed iyo shaqaalahii dowladda oo afar bil mushaar la’aan ah.

    Ugu dambeyn, Madaxweynaha safaraddadiisu aad ayay u tirio badan yihiin, una qaali badan yihiin, wax macna lehna kuma soo kordhiyaan xallinta mushkiladaha Soomaaliya iyo wax ka qabashada dhibaatada dadka Soomaaliyeed. Wuxuu $8 milyan ku kharash gareeyay safarradiisa, lacagtaas oo loo adeegsan karay in wax looga qabto dhibaatooyinka faraha badan ee dalka haysta. Waxaan hubaa in uu igu raaci lahaa in dhibaatadada Soomaaliya ay tahay mid gudaha ka socota oo aan lagu xallin karin in la booqdo caasimado dibadda ah. Haddii ay ka dhab tahay in uu doonayo in uu Soomaaliya Dowladdeeda madax u ahaado, waa in uu dhaqaalaha u soo duwo dalka.

    W. Q. Hirsi Ashkir
    [email protected]

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-6″]

    Safarrada madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAmanda Lindhout breaks silence after RCMP arrest suspect in her brutal kidnapping
    Next Article Nin Biritish ah kana tirsanaa Alshabab oo lagu dilay Kenya (Daawo Muuqaalkiisa)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo