Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saray amar ku saabsan in la joojiyo daabacaadda lacagta shiling Soomaaliga ah ee lagu farsameeyo degaannada Puntland.
Wareeegtadii saddexaad ee ka soo baxday xafiiska madaxweynaha cusub intii la doortay ayuu ku amray wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee Puntland, in la joojiyey Daabacaadda lacagta shiling Soomaaliga nooc kasta oo ay tahay, taasoo sabab looga dhigay, si kor loogu qaado nolosha shacabka reer Puntland.
Puntland ayaa la timid Makiinado lagu farsameeyo lacagta Shilin Soomaliga ah, lacagtaasoo lagu xaalufiyey laguna dhacay dhaqaalaha Gobollada dhexe ee Soomaaliya, sida Gobolka Hiiraan, mana dhicin in maamulka Puntland uu qirto sameynteeda, iyadoo la wada ogaa in lagu sameeyo Boosaaso iyo Garowe.