Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa magaalada Muqdisho kulamo iyo shirar xiriir ah oo uu la yeelanayo madaxda xisbiyada, siyaasiyiinta iyo gudoonka Aqalka Sare oo ah howl uu ka gaabiyey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Siciid Deni ayaa kulankii ugu danbeeyay maanta la yeeshay Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga fulinta Aqalkaasi, markii uu ku booqday xaruntooda magaalada Muqdisho, waxayna ka wadahadleen xaaladda dalka, arrimaha siyaasadda iyo xaaladda kala-guurka ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay Mdaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta xisbiyada oo ay ka mid ahaayeen C/raxmaan C/sharuur Warsame, Shariif Xasan Sheek Aadan iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore Maxamed Cumar Carte Qaalib.
Waxaa xalay baaqday kulan wadatashi ah oo lagu waday inuu Madaxtooyada uga furmo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii ay ka hor timid caqabad ku saabsan xaaladda ka taagan Gobolka Gedo oo Axmed Madoobe uu shardi ka dhigay.
Kulamada uu Magaalada Muqdisho ka wado Siciid C/llaahi Deni ayaa muujiyey in madaxweyne Farmaajo oo laga rabay door dhexdhexaadnimo iyo dib u heshiisiin uu go’doon siyaasadeed ku jiro oo hore isaga fogeeyay dhammaan saamileyda siyaasadda dalka, dagaal siyaasadeed adagna ku qaaday Aqalka Sare.


