Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Madaxweyne Trump oo Amar Maxkamadeed loogu goodiyey in lagu hor keenayo Guddi Baaris ku haya…

    Madaxweyne Trump oo Amar Maxkamadeed loogu goodiyey in lagu hor keenayo Guddi Baaris ku haya…

    May 2, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Robert Mueller oo ah Dacwad ooge gaarka ah ayaa ku goo’diyay in uu adeegsan doono amar maxkamadeed si uu Trump u horyimaaddo garsoorayasha baaraya kiiska Ruushka, arrintaas oo qayb ka noqon doonta baaritaanka la xiriira eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogaliyay doorashadii Maraykanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.

    Muller oo hogaaminaya baaritaanka eedaymahaas ayaa tallaabadaas soo jeediyay markii uu la kulmay qareennada Trump bishii Maarso. Wuxuu sheegay in amarka maxkamadda uu madaxweynaha ku qasbi doono in uu la kulmo, sida uu ku warramay wargeyska Washington Post.

    Waxaa la rumaysan yahay in ay tahay markii u horaysay ee dacwad oogaha khaaska ah uu soo jeediyo macquulnimada in Trump lagu qabso in uu makhraati furo.

    Markii uu kulanku dhacay bishii Maarso, Qareenka Trump ayaa ku adkaystay in madaxweynaha aysan waajib ku ahayn la kulanka baareyaasha faderaalka ah si ay wax uga waydiiyaan baaritaanka Ruushka, sida uu ku warramay wargeyska Washington Post oo soo xiganaya afar ruux oo wax ka ogayd kulankaas.

    Si kastaba ha ahaatee kooxda Muller ayaa ku jawaabtay suurtagalnimada in ay adeegsan doonaan amar maxkamadeed haddii madaxweynuhu uu diido in uu la kulmo.

    Waxay isku afgarteen in ay qareennada madaxweynaha la wadaagaan macluumaadka khaaska ah ee ku saabsan su’aalaha ay rajaynayaan in ay waydiiyaan madaxweynaha.

    Qareenkii hore ee madaxweynaha John Dowd ayaa sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Talaadadii in Mueller uu kulankaas ku soo hadal qaday macquulnimada in uu Trump ku qasbidoono in uu su’aalaha ka jawaabo.

    John Dowd ayaa iscasilay qiyaastii toban casho ka dib markii uu kulankaas dhacay. Isniintii ayuu madaxweynuhu wargeyska New York Times ku dhaliilay daabacidda in kabadan afartan su’aalood oo Mueller uu doonayo in uu waydiiyo madaxweynaha, arrintaas oo qayb ka ah baaritaanka Ruushka.

    Twitterka ayuu ku soo qoray Talaadadii in ay “arrin qaab daran tahay” in saxaafadda loo dusiyo su’aalihii baaritaankaas la xiriiray”, wuxuuna intaas ku daray in ay adag tahay in caddaaladda la carqaladeeyo iyadoo aysan jirin dambi la galay”.

    Su’aalaha uu Mueller rabo in uu madaxweynaha waydiiyo ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin sababta uu shaqada uga eryay Taliyihii FBI-da James Comey bishii May iyo sida uu ula dhaqmay xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions.

    Mid ka mid ah su’aalaha ayaa toos u khusaysa Paul Manafort oo horay masuul uga soo noqday ol’olihii Trump ee doorashada, waxaana Trump la waydiin rabaa waxa uu ka ogyahay xiriirka uu Manafort la sameeyay Ruushka.

    Mueller ayaa sidoo kale qorshaynaya in uu madaxweynaha waydiiyo suurtagalnimada in wada shaqayn ay dhexmartay ol’olihiisii doorashada iyo Ruushka, sida uu ku warramay wargeyska New York Times, oo sheegay in uu su’aalaha ka helay dad aan ahayn qareennada madaxweynaha.

    Afhayeenka Aqalka Cad Raj Shah ayaa sheegay in ay “arrin aan wanaagsanayn” tahay warka wargeyska New York Times.

    Dambibaaraha gaarka ah ayaa baaritaan ku haya dadaalladii uu Ruushku ku doonayay in uu ku farogaliyo doorashadii Maraykanka ee 2016kii, iyo in uu iskaashi dhexmaray Ruushka iyo ol’olihii doorashada ee Trump iyo waliba in madaxweynuhu uu si sharci darro ah isugu dayay in uu carqaladeeyo baaritaanka socda.

    Robert Muller Trump US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo Boko Haram kala wareegtay Kooxda ugu dhiig daadiska badan ee Qaaradda Afrika [Akhriso]
    Next Article DAAWO SAWIRRO: Shirka Caalamiga ah ee Amniga Somalia oo ka furmay Brussels & Kheyre oo Guddoomiyaha

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo