Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa xalay ahaa Aqalka Cad afur ugu sameeyey diblomaasiyiinta safaaradaha dalalka Islaamka iyo madaxda ururrada bulshada dalka Mareykanka.
Danjirayaal ka badan 50 afurka qeyb galay, wuxuuna sheegay Trump in Soonku yahay mid ka mida qeybaha ugu weyn diinta islaamka oo ka mida diimaha ugu waaweyn dunida, isagoo intaas ku daray in saaxiibo ku weyn Mareykanka uu afurka ku casuumay.
Xafladda Afurka ee loo sameeyo muslimiinta Mareykanka ku nool oo uu soo bilaabay madaxweynihii hore dalkaasi Clinton ayuu joojiyay sanadkii hore madaxweyne Trump oo ku caan baxay naceybka islaamka, shaqadiisana ka bilaabay inuu dalkiisa ka mamnuuco dadka ka soo jeeda lix dal oo islaam ah.
Afurka Trump ayaa ka duwanaa kuwii hore loo qaban jiray, waxaana lagu casuumin hogaamiyeyaal Muslimiinta Maraykanka ka tirsan oo lagu marti qaadi jiray ayna sanadkan ka soo qeyb galin, wuxuuna ahaa martiqaad nooc cusub ah oo Trump uu soo xushay danjireyaal kooban.