Madaxweyne Donald Trump ayaa saaka ka degay magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo xalau ka duuley garoonka Milatariga ee Joint Base Andrews ee gobolka Mayrland, duleedka magaalada Washington.
Socdaalka Trump ee UK oo ah kii labaad ayaa qaadan dona muddo saddex maalmood ah, isagoo la kulmi doona boqoradda dalkaasi Elizabeth II, wuxuuna ka kala qeyb geli doonaa xuska weyn ee loo sameynayo maalinta loo yaqaan D-Day, waxaan safarkiisa ku wehliya dhammaan caruurtiisa iyo xaaskiisa danbe.
Donald Trump ayaa magaalada London looga arkaa madaxweyne cunsuri ah, wuxuuna saacado ka hor socdaalkiisa dagaal baraha bulshada ah ku qaaday Duqa Lodon Sadiq Khan oo asalkiisu kasoo jeedo dalka Pakitan, Trump ayaa ku tilmaamay duqa London nin ku fashilmay hoggaamka London oo si aad u xun u maamula London, halka Sadiq Khan uu ku sheegay Trump inuu yahay cunsuriga ugu weyn dunida.
Amniga Madaxweyne Trump inta uu jooga dalka UK waxaa u xil saaran ciidamo gaaraya 20,000 askari oo isugu jira Booliska iyo ciidamada gaarka ah ee ka hortagga Argagixisada, waxaana ku baxaya inta uu joogo dalkaasi lacag dhan 18 Biylan oo Geni oo ka badan 20 Bilyan oo Doolar.
Dadweynaha London ayaa ballanqaaday in boqolaal kun ay wadooyinka London ka dhigi doonaan kuwo xiran oo wax dhaqdhaqaaq ah aanu ka jirin, iyagoo ka horjeeda madaxweyne Trump iyo socdaalkiisa magaalada London, waxaana lood diyaariyey muuqaalladiisa oo laga dhigay Boombalo waaweyn oo hawo lag buuxiyey, kuwaaso hawada loo diri doono inta ay socdaan bannanbaxyada.
Trump waxaa la socda boqolaal isugu jira ciidamo iyo shaqaale, wuxuuna wataa diyaarado kala duwan iyo gaadiid gaaraya 12 oo Mareykanak uu kala yimid, waxaana ku jira gaariga gaarka u ah ee qiimihiisu gaarayo 1.2 Million oo doolar.
DAAWO SAWIRRADA











