Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Madaxweyne Trump oo Dalbaday in la kala diro Guddiga baaraya kaalintii Ruushku ku lahaa Doorashadiisa

    Madaxweyne Trump oo Dalbaday in la kala diro Guddiga baaraya kaalintii Ruushku ku lahaa Doorashadiisa

    August 2, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo baaritaanka la xiriira fadeexaddii Ruushka ee farogalinta doorashada Maraykanka ee uu wado guddiga madaxda bannaan ee Robert Muller.

    Fariimo uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka, ayuu Trump ku tilmaamay ninka hormuudka ka ah baaritaanka ee Robert Meuller nin “gabi ahaanba iska hor imaanaya”. Wuxuuna xeer illaaliyaha guud Jeff Sessions ka codsaday in uu kala dhantaalo baaritaanka, kuna soo koobo eedeymo oo kaliya.

    Trump oo wajahaya cadaadis ba’an ayaa hadalladan soo saaray xilli warbaahinta Maraykanka ay kasoo xigatay kaaliyeyaasha Trump in laga yaabo in Mueller uu warbixintiisa waxyaabihii baaritaanka uga soo baxay uu u gudbin doono madaxweynaha dhawaan.

    Waxa uu Trump si gaar ah uga gilgishay dacwadda ku socota agaasimihii ololaha doorashadiisii Pau Manafort, kaas oo maalinkii labaad dhagaysiga dacwadiisa ay maxkamad ka socoto.

    Afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa mar sii dambeysay sheegtay in fariimaha madaxweynaha ee Twitter-ka aysan ahayn amar madaxweyne.

    Inkasta oo aysan wax cusub ahayn hadalka caroda leh ee Trump, haddane waa markii ugu horeysay oo si toos ah ugu baaqo xeer illaaliyaha guud in uu eryo Robert Mueller. Waxaa kale oo jirta in dacwadda lagu hayo Manafort ay lugaha lasii galayso xubno ka mid ah qoyska madaxweynaha, gaar ahaan wiilkiisa iyo wiilka uu sodogga u yahay.

    Balse sharci ahaan Jeff Sessions, xeer illaaliyaha guud, shaqada kama eryi karo Mueller maadaamaa uu horey isaga reebey ku lug lahaanshaha baaritaanka oo dhan.

    Inkasta oo Trump uu amar dul dhigi karo laanta garsoorka Maraykanka oo ka mida laamaha fulinta, haddana muddo dheer waxaa jiray olole loogu jiray in ay laantan ka madax banaanaato farogalin siyaasadeed.

    Robert Mueller Russia Trump US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO SAWIRRO: Hoolka lagu qabanayo Shirarka Golaha Wasiirada Soomaaliya & Maamulka Puntland
    Next Article DEGDEG: Maxkamadda Milateriga oo Xukun ku riday laba ka mida Madaxdii Daacish ee K/Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo