Madaxweynaha Mareykanka Doland Trumpo ayaa weerar dhinaca afka ah ku qaaday Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska haweeneyd Theresa May, kadib dood ka dhalatay markii uu Trump faafiyay video ay sameeyeen koox xagji ah oo ka dhisan UK.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa ttwiter-ka ugu sheeyay Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May u sheegay inaysan isaga ku mashquulin ee ay diiradda saarto argagixisada islaamiga ah ee UK ka jirta.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii ay Theresa May ay ku dhaliishay Trump inuu sii faafiyay muuqaalo ay Muslim nacayb ku jiraan oo ay baahiyeen qolyaha garabka Midig ee caddaanka UK.
“Ha igu mashquulin ee diiradda saar kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ah ee kharbudaadda ka wada Boqortooyada Ingiriiska,” ayuu Trump ku soo qoray Twitterka. Afhayeen u hadlan May ayaa sheegay in ay khalad ahayd in uu madaxweyne Trump sidaa yeelo”.
Maraykanka iyo UK ayaa xulafo dhaw ah, badanaana waxaa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin “xiriir khaas ah”. laakiin tan iyi intii uu talada Mareykanka qabtay waxaa sii kordhaya xaalad hubanti la’aan ah oo ka dhalatay tallaabooyinka mas’uuliyad darrada ah ee Trump.
Trump Twitterkiisa waxaa ku taxan 40 milyan, muuqaalka uu sii faafiyayna waxaa soo dhigay markii hore Jayda Fransen oo ah hogaamiye ku xigeenka kooxda Britain First, kuwaas oo uu aasaasay qof horay uga tirsanaan jiray xisbiga BNP.
Fransen ayaa Britain lagaga soo oogay dacwado ah in uu adeegsaday erayo “goodin ah, wax u dhimitaan ama cay ah. Twitterka hore ee Fransen ayaa lagu sheegay in uu yahay qof Muslim ah oo weeraraya nin kale, waxaana sii raacay labo muuqaal oo kale Fransen uu ku sheegay Muslimiin.
Afhayeen u hadashay Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa sheegtay in May iyo hogaamiyeyaasha kale ee caalamku ay ogaadaan “in halistani ay tahay mid dhab ah oo loo baahan yahay in laga wada hadlo”.