Madaxweynaha Mareykanka ee xilka kasii degaya Donald Trump ayaa ugu danbeyn aqbalay inuu xilka wareejiyo daqiiqado, kadib markii Koongareeska Mareykanka uu ansixiyey doorashada Madaxweynaha cusub Joe Biden.
Trump ayaa sheegay inkastoo uu si weyn u diidan yahay natiijada doorashada iyo wixii ka dhacay, haddana ay si haboom u dhici doonto xil-wareejinta, wuxuuna sheegay inuu sii wadi doono dagaalkiisa ku aadan in halo doorasho xor iyo xalaal ah.
“Waxaan mar kasta sheegayay inaan sii wadi doono dagaalka aan ku hubineyno in la tiriyo kaliya codadka sharciga ah.. Hadda waxaa soo dhammaaday muddo xileedkii koowaad ee ugu fiicneyd taariikhda madaxweynaha.. Waa uun bilowga dagaalka aan ugu jirno Amerika oo weyn..” ayuu yiri Donald Trump.
Farriinta Trump ayaa lagu baahiyey bogga uu twitterka ku leeyahay mid ka mida Gacan-yareyaashiisa, markii Madaxweyne Trump laga xiray barihii bulshada ee Twitter-ka iyo Facebook.
Donald Trump ayaa si weyn u kala qeybiyey dadweynaha Mareykanka, wuxuuna sidoo kale kala qeybiyey xisbigiisa Jamhuuriga, isagoo ka hor yimid madaxweyne ku xigeenkiisa Mike Pence.
