Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaey qasab ku noqotay inuu dib u dhigo khudbadii Xaaladda Qaranka Federaalka Mareykanka, kadib markii ay ka hor timid hoggaamiyaha Aqlabadda Koongareeska ee xisbiya Dimoqraadiga Nancy Pelosi.
Trump ayaa ugu danbeyn sheegay inuu dib u dhigayo khudbadsiisa inta Aqalka Congress-ka uu ka xalinayo xirnaanshaha qeyb ka mid ah howlaha dowladda. “Ma raadinayo meel kale oo aan khudbadda ka jeediyo, sababta oo ah ma jiro masrax u dhigma taariikhda, dhaqanka iyo muhiimadda Aqalka Wakiilada” ayuu yiri Trump oo qoraal soo dhigay twitter-ka.
Qoraal hore ayuu Trump ku adkeystay inuu jeedinayo khudbadiisa, waqtigeeduna aanay dhaafi doonin oo ku beegan 29-ka Janaayo, laakiin waxaa arrintasi ka hor timid hoggoomiyaha xisbiga Dimoqraadiga oo Trump u sheegtay inuu marka hore furo howsha dowladda Federaalka oo qeyb ahaan xiran muddo bil ah, iyadoo shaqaale gaaraya 800,000 qof aysan qaadan wax mushaar ah.
Saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay inuu jiro qorshe uu madaxweyne Trump ku doonayey inuu khudbadda ka jeediyo goob kale, oo aan ahayn Aqalka Wakiilada.
Madaxweynayaasha Mareykanka ayaa sanad kasta waxaa laga doonayaa inuu congress-ka u gudbiyo warbixinta xaaladda waddanka, hase yeeshee ma jiro wax qasbaya inuu ka hor jeediyo labada Aqal ee sharci-dejinta.
Afhayeenka Congress-ka, Nancy Pelosi ayaa ku boorisay Trump inuu dib u dhigo khudbaddiisa inta laga xalinayo muranka ka taagan xirnaanshaha dowladda, ama uu qoraal ahaan ugu soo gudbiyo sharci-dejiyayaasha, taasoo keentay inuu isna joojiyo diyaarad u qaadi lahayd socdaal ay ugu sii jeeday dalal ay ka mid tahay Afghanistan.