Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto uu soo saaray xilalkii uga qaaday laba ka mida Golaha asiiradiisa oo taageeray qorshaha Doorashada ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wasiiru dowlihii Wasaarada Maaliyada ee Horshabelle iyo Wasiir Ku xigeenkii Amniga oo sheegay inuu xilka iska casilay ayaa booskooda loo magacabay Xasan Maxamed Cilmi iyo Yuusuf Sheekh Xasan Maclain.
Arrintan ayaa ka dabeysay markii Madaxweyne Waare uu taageeray baaqii Aqalka Sare ee shirka Wadatashiga Doorashada, iyadoo maamulka Hirshabelle uu joojiyey bannaanbaxyo lagu taageeri lahaa Madaxweyne Farmaajo.

