Kulan la doonayay in lagu xaliyo cabashada beesha Cadaado oo saaka dhex maray madaxweynaha Galmudug iyo waxgaradka beeshaasi ayaa lagu kala tegay, kadib markii la isku afgaran waayey.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo shalay uun tegay magaalada Cadaado ayaa kulanka uu la qaatay waxgaradka iyo Nabadoonada Cadaado ku saabsanaa iyagoo ka horjeeda heshiiskii lala galay Ahlu suna iyo maqaamka magaalada Cadaado, waxaana shirka oo saacado qaatay lagu guuleysan waayay la isku afgarto.
Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay inuu adag u diiday gorgortan uu ka galo heshiiska uu la galay Ahlu suna, isagoo ku adkeystay inaan cidna loo joojineyn midnimada Galmudug, taasoo soo afjartay rajadii laga qabay xal loo helo cabashada beesha Xaaji Saleebaan oo ku dhegan inay Cadaado ay ahaato caasimadda Galmudug.
Madaxweyne Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi la socda ayaa la sheegay inay ka dhoofeen magaalada Cadaado isagoo ku sii jeeda Magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu ku soo dhoweyn doono wafdiga madaxweyne Farmaajo.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Cadaado ayaa sheegaya waxgaradka Cadaado shir ay yeesheen ay isku afgarteen inay dhigaan Banaanbax ay uga cabanayaan safarka madaxweyne Farmaajo ee Cadaado oo 2 saacadood lagu soo koobay, ugana horjeedaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.