Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa gaaray magaalada Cadaado, kadib markii ay xildhibaano ka tirsan labada gole oo maanta tegay Cadaado ay ugu tageen degaanka Godinlabe oo uu ku sugnaa ilaa xalay.
Madaxweyne Xaaf, ayaa lagu soo dhoweeyay Banaanka Magaalada Cadaado, iyadoo ay isugu soo baxeen masuuliyiin iyo dadweyne, waxaana la dejiyay xarunta Madaxtooyada ee uu ka guuray sanad iyo bilo ka hor markii uu la heshiiyey kooxdii Ahlu suna.
Gaadiid dagaal iyo gaadiid kale oo fara badan ayaa lagu galbinayey madaxweyne Xaaf, waxaana markii uu tegay magaalada Cadaado kulan la yeeshay xildhibaannada labada gole ee maanta gaaray magaalada Cadaado oo ay ka mid yihiin Abshir Bukhaari, C/raxmaan Odowaa iyo xubno kale.




