Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa si kulul uga hadlay ciidamada NISA iyo kuwa milateriga Somalia oo xalay al wareegay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Cadaado.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in amar kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ay ciidamada xoogga dalka qeybtooda 21aad iyo kuwa NISA ay xoog ku qabsadeen Xarunta Madaxtooyad Galmudug ee Cadaado, waxaana nasiib darro lagu tilmaamay in dowladda Somalia ay colaad ka abaabuleyso Galmudug iyadoo aan laag soo kabsan qaraxyadii Muqdisho.
Xaaf ayaa ka digay colaad ka dhacda magaalada Cadaado, waxaana qoralka uu dowladda federaalka ku eedeeyay inaysan daacad ka ahayn is fahamkii lagu gaaray magaalada Garowe iyo shirkii ka furmi ahaa baramaha bishan.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA

