Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka hor tegay kulan ay maanta mar kale yeelan lahaayeen xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug.
Kulanka oo maalintii saddexaad u baaqday diidmada madaxweyne Xaaf ayaa hore waxaa u hor istaagay ciidamo ka amar qaata, halka markii uu shalay dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado uu laf ahaantiisa amar ku bixiyay inaysan xildhibaannada wax kulan ah yeelan karin ilaa Amar dambe.

Xildhibaannada Galmudug ayaa dadaal ugu jiray inay kulmaan si ay uga hadlaan arrimo hor yaalla iyo khilaafka ka taagan madaxda sare ee maamulka, iyadoo inta badan xildhibaannada ay ka hor jeedaan go’aanka madaxweyne Xaaf ee arrimaha Khaliijka.
Madaxweyne Xaaf ayaa amar ku bixiyay shalay in Xarunta Baarlamaanka ay xirnaato, isla markaana aanay shir ah yeelan karin xildhibaannada Galmudug.