Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa dib ugu laabay xarunta maamulkiisa ee magaalada Cadaado kadib toddobaadyo uu Nairobi iyo Muqdisho ku sugnaa.
Madaxweynaha Galmudug ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka magaalada Cadaado, waxaana wararku sheegayaan inuu ku dhawaaqi doono golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi oo in muddo ah la sugayay.
Xaaf ayaa dib ugu laabashadiisa Cadaado ku soo beegantay, iyadoo ay xiisad ka dhex taagan tahay maamulada Galmudug iyo Puntland kadib ganacsade kasoo jeeda Galmudug oo ciidamo Puntland iyo Mareyan ah ay qabteen.
SAWIRRO