Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)ayaa maanta Qado sharaf u sameyay qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada shirka uga socdo magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha G/Banaadir.
Qado sharafta oo ka dhacday Guriga Xaaf ee Muqdisho ayaa waxaa isku arkay dhammaan madaxda maamul Goboleedyada marka laga reebo C/weli Gaas iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana halkaasi al isku weydaarsaday sheeko iyo qaraaxo uu Xaaf horseed u ahaa.
Madaxda maamul Goboleedyada ayaa ka qeyb galaya shirka Amniga ee ka socda Muqdisho, kaasoo maalmo dheeraad ah lagu daray iyadoo markii hore loo qorsheeyay inuu socdo laba maalmood oo qura.





![Madaxweyne Xaaf oo Martiqaad Muqdisho ugu sameeyay Madaxda Maamul Goboleedyada [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2018/02/Xaaf-martiqaad.jpg)