adaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Deelle (Xaaf) ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnuucay inaan magaalada Cadaado lagu qaban shirar Siyaasadeed kulamo oo aan isaga amar looga heysan .
Xaaf ayaa amarkan ku socodsiiyay Wasaaradda Arimaha Gudaha, Taliyaasha Ciidamada iyo Maamulka Cadaado, waxayna ka dambeysan markii uu maanta hor istaagay in xildhibaannada Galmudug ay kulan ku yeeshaan xarunta madaxtooyada.
Arrintan ayaa u muuqata in madaxweyne Xaaf oo doortay inuu awood ku maamulo Galmudug, isla markaana hor istaago kulamada Baarlamaankii isaga soo doortay.
Wararkii ugu danbeeyay ee Cadaado ayaa sheegaya in mushaar maanta loo qeybiyay ciidamada iyo inta badan xildhibaannada Galmudug, taasoo la sheegay inay ahayd lacag ka timid Imaaraadka Carabta.
AKHRISO WAREEGTADA