Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Madaxweyne Xaaf oo Weerar kulul ku qaadaya Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisal wasaare Kheyre [War-saxaafadeed cusub]

    Madaxweyne Xaaf oo Weerar kulul ku qaadaya Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisal wasaare Kheyre [War-saxaafadeed cusub]

    September 21, 20173 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa dawladda Federaalka ku eedeeyay inay faragelin ku heysto maamulkiisa.

    Qoraal uu soo saaray ayuu uga digay faragelin maamulkiisa uga timid dowladda dhexe, iagoo soo qaatay qodob ka mida Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo dowladda Federaalka ku waajibinaya inay la tashato maamullada dalka.

    Arrintan ayaa soo baxday kadib markii ay maanta magaalada Cadaado qoraal kasoo saareen madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi oo ka hor yimid, kuna gacan seyray go’aankii xalay kasoo baxay xafiiska madaxweyne Xaaf ee uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA CUSUB EE XAAF

    Dawlad Goboleedka Galmudug waxay mar kale ku celinaysa mowqifkeeda ku aadan go’aanka ay ka qaadatay khilaafka dawladaha Khaliijka u dhaxeeya.

    Dastuurka ku meelgaarka ah qodobkiisa 53 aad wuxuu dhigayaa in 

    1. Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.

    2. Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad- goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

    3. Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeedana ka muuqtaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

    Dawlada Federaalka ah kuma salayn go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka xiriirka soo jireenka ah iyo danta joogtada ah ee kala dhaxaysa Dawladaha Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn. Taa bedelkeeda waxay ka doorbiday in ay taageerto Dawlada Qatar oo taageerta kooxaha aragagexisada ah, iyadoo loogu aabul naqayo qarashkii ay ku bixisay doorashada Madaxweyne Farmaajo ee uu garwadeenka ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha Mudane Fahad Yaasiin. Waxaana go’aanka u qaadanay in aan ilaalino xiriika Istiraatiiji iyo kan diblomaasiyadeed, danaha Ganacsi iyo kan Diineed ee Soomaaliya kala dhexeeya dawladaha afarta ah.

    Waxaan uga digaynaa Dawlada Federaalka faragelinta qaawan ee ay ku hayaan maamulka Galmudug. Waxaa wax laga xumaada ah in ay Galmudugu la soo dhexgalaan kala qoqobid iyo caadifad qabiil. Galmudug uma dulqaadan doonto faragelinta iyo dhiilada qabiil ee ay Madaxweynaha iyo Raysal wasaaruhu horay ugula kaceen Hirshabelle.

    Waxaan ugu baaqaynaa Siyaasiyiinta, Odyaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Ganacsatada, iyo Culimada kasoo jeeda Galmudug in ay meel uga soo wada jeestaan si wadajir ahna uga hortagaan daandaansiga iyo dhiilada lagu hayo Shacabka Iyo Dawlad Goboleedka Galmudug.

    Dhamaad 
    Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug

    Axmed Ducaale Geelle Galmudug Imaaraadka Top UAE Xaaf
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Amniga oo Amar kasoo saaray Arrin ay dhibaato weyn ku qabeen Dadka Muqdisho [Dhageyso]
    Next Article Xildhibaan Fiqi: “Dawlad Goboleedyadu Waxey u ekaanayaan hoggaamiye kooxeedyo cusub…”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo