madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xayiraadii ka qaaday Garoonka magaalada Cadaado oo uu dhowaan ka joojiyay duulimaadyada ka yimaada magaalada Muqdisho.
Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Xaaf ayaa lagu sheegay in xayiraadii laga qaaday Garoomada diyaaradaha Galmudug, iyadoo ay dib u shaqo bilaabeen diyaaradihii tegi jiray magaalada Cadaado.
Afhayeenka madaxtooyada Galmudug C/llaahi Xaashi Faarax ayaa sheegay inay maanta dhammaatay xayiraadii la saaray Garoomada Diyaaradaha ee degaanada Galmudug wixii maanta ka danbeeyana ay ka soo dagi karaan Diyaaradaha rayidka.
Sababta xayiraadda madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay inuu ku hor istaago xubno ka tirsan labada Gole ee kasoo jeeda Galmudug inay tagaan Cadaado, kuwaasoo taageersan madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo khilaaf kala dhaxeeyo Axmed Ducaale Xaaf.