Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, July 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Madaxweyne Xasan Sheekh: “Ciidamada Itoobiya waxay muujiyeen dadaal dheeraad ah”

    Madaxweyne Xasan Sheekh: “Ciidamada Itoobiya waxay muujiyeen dadaal dheeraad ah”

    August 9, 20153 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war caawa laga soo saaray madaxtooyadiisa Villa Somalia oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda amaan u jeediyay ciidamada AMISOM ee naftooda u huray umadda Soomaaliyeed, isla markaana meelo badan ka xoreeyay kooxda Alshabaab.

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Warka Madaxweynaha oo lagu soo beegay iyadoo xiisad ka taagan tahay dad shacab ah oo ciidamada Itoobiya ay ku laayeen tuulada Halgan ee duleedka magaalada B/weyne iyo falal noocaas ah oo ka dhacay magaalooyinka Marka ee Sh/hoose iyo Xudur ee Bakool, isagoo hambalyada uu diray ciidamada AMISOM ka sokow warkiisa lagu soo daray  tacsi uu u diray ciidamada AMISOM iyo dadka shacabka ah ee ku dhintay howlgalka.

    Wuxuu kaloo madaxweynaha  kula taliyay ciidamada AMISOM inay si taxaddar leh u xaqiijiyaan nabadqabka iyo badbaadinta dadka rayidka ah. “Ciidammada Ethiopia ee howlgalkan ka qeyb qaadanaya waxay muujiyeen dadaal dheeri waxayna adeegsanayo awood dheeri ah” ayaa ka mid ahaa hadaladda madaxweyne Xasan Sheekh.

    [spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]

    HOOS KA AKHRI WARKA MADAXTOOYADA

    Muqdisho, 9 August, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay qaabka wanaagsan ee ay u socdaan hawlgallada milateri ee dalka looga sifeynayo kooxaha nabadda ka soo horjeeda.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyagoo xaalad adag ku jira ay si wanaagsan isku garabsanayaan ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, isla markaana ay guulo la taaban karo ka soo hoyeen gobollada Baay, Bakool, Gedo, Galguduud iyo Hiiraan.

    “Aad baan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee hawlgalkan ka qeyb qaadanayaa. Hawlgalkan cusub waa mid loogu talagaley in muddo aad u yar Al Shabaab dalka oo dhan looga sifeeyo. Ciidammadan waxay naftooda u hurayaan inay nabadda iyo noloshii caadiga ahayd dib u soo celiyaan, iyagoo isku furaya degaanno horey u adkaa in la tago ama adeegyo loo fidiyo’’.

    Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in ciidammada Ethiopia ee hawlgalkan ka qeyb qaadanaya ay dadaal dheeri ah muujiyeen, iyagoo adeegsanayo awood dheeri ah.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tacsi u direy qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen geesiyadii ku naf waayey hawlgalka iyo sidoo kale dadka shacabka ah ee waxyeelada ay ka soo gaartey hawlgallada socda.

    “Waxaan mar walba ku adkeynayaa ciidammadeena iyo kuwa taageeraya ee AMISOM inay si taxaddar leh u xaqiijiyaan nabadqabka iyo badbaadinta dadka rayidka ah, amarkaasina waa midka ay ku shaqeynayaan. Waxaa naga go’an in nidaamka iyo kala dambeynta lagu fuliyo hawlgallada socda, shacabkuna ay sii kordhiyaan taageerada ay siinayaan ciidammadan naftooda u huraya badbaadinta iyo nabad ku soo celinta waddanka’’.

    Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn mar kale hambalyo u direy Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo waddamada ciidammada iyo dhaqaalahaba ku deeqay hawlgalkan dalka looga sifeynayo cadowga, kaas oo uu Madaxweynuhu sheegay inuu horseedi doono degganaansho buuxda oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.

    -DHAMMAAD-

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

    amaanta AMISOM Madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDhageyso: Wareysi cod murugo badan: Aabaha darawalkii waday Baskii ciidamada Itoobiya ku laayeen dadka ee tuulada Halgan
    Next Article Alshabab oo weeraro gaadmo ah ku qaaday magaaloyinka Diinsoor iyo Beledweyne

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo