Xaflad ay xilka kula kala wareegayaan Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadiisa kalsoonida weysay C/weli Sheekh Axmed iyo Ra’iisal wasaaraha cusub ee shalay baarlamaanku kalsoonida siiyay Cumar C/rashiid Cali ayaa ka dhacdayxafiiska Ra’iisal wasaaraha ee Madaxtooyada magaalada Muqdisho.

Xafladda oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan xubnihii golaha wasiirada ee hore, madaxweynaha iyo labada mas’uul waxaa la isku dhaafsaday ereyo kaftan siyaasadeed ah oo muujinaya heerka ay gaartay colaadii siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafkii keenay in baarlamaanku kalsoonida kala noqdo xukuumadda C/weli.
Ra’iisal wasaaraha xilka baneynaya C/weli Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo Cumar C/rashiid, “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta arko dad badan oo aan is arki jirin oo madaxweynaha ku jiro” ayuu kaftan ahaan u yiri C/weli oo si cad u sheegay inuusan ka baxeynin siyaasadda. “Anigu ka bixi maayo siyaasadda waan ku jiri doonaa, lakiin dhinaca khaldan ugu jiri maayo” ayuu mar kale yiri, wuxuuna ku baaqay in gacan lagu siiyo xilka ra’iisal wasaaraha cusub.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna khudbad uu ka jeediyay xafladda xil wareejinta ku sheegay inay dhaqan siyaasadeed dowladnimo ay tahay in xilalka dadka haya la kala bedelo, wuxuuna u mahadceliyay ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed , wuxuuna kula kaftamay “Anigu waan ku cafiyay wixii dhacay, adigase ma ogi sida aad yeeli doonto”.
Madaxweynaha wuxuu u hambalyeeyay Ra’iisal wasaaraha cusub ee xilka la wareegaya, wuxuu kaloo hambalyo aan caadi ahayn oo yool baar ah u jeediyay wasiiradii kulanka ku sugnaa isagoo yiri: “Kuwiina wasiirada noqon doona ee is og idinkana waan idin hambalyeynayaa”.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]