Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh oo maanta xilka la wareegay ayaa kulankii ugu horeeyay xarunta madaxtooyada kula yeeshay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa shaaciyey in Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu booqasho ugu tagay madaxweynaha Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta xafiiska la wareegay.
Rooble ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha cusub socdaalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo habsami u socodka howlaha xukuumadda .
Waa kulankii koowad ee dhex mara labada mas’uul saacado kooban kadib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh la wreegay xilka, wuxuuna Roole qeyb ka ahaa siyaasiyiintii taageeray dib u doorashda madaxweynaha cusub.
